Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhaqaalaha qooysaska iswiidhishka oo ka soo reeynaya sidii hore

La daabacay onsdag 19 juni 2013 kl 13.34
Rajada dhaqaalaha reer Iswiidhen oo ka soo roonaaneysa
(3:01 min)
Sawirle: Ulf Berglund/Scanpix

Laba sannadood dabadeed oo taxadar lagu jirey ayey bulshada Iswiidhishku bilaabeen iney si tartiib tartiib ah kor ugu qaadaan kharashka ey ku bixiyaan fasaxyada sannadkii, sida ku cad war-bixin sanadle ah oo uu toddobaadkan soo ban-dhigey bankiga Nordea.

War-bixintan ayey ka qeyb ahaayeen dhammaan da'aha kala duwan, iyadoona uu kor u kacay sannadka dhaqaale gaarsiisan

1 000 koran uuna gaarey marka la isku celceliyo 15 800 oo koron qofkii iyo sannadkiiba. Ingela Gabrielsson oo ka hoowl-gasha bankiga Nordea waaxdiisa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay ayaa aamin-san inay ugu wacan tahay farriimmaha war-baahinta:
- Waxaa beryahan dambe yaraadey wararka na soo gaara ee la xiriira caqabadaha dhaqaale ee cakiran iyo mushaarooyinka oo kor u sii kacey. Waxaan sidoo kale waxaan helney kor u kac sannadka ku yimid qiimiyada suuqa saamiga lacagaha (börs), sicir barar hooseeya iyo kor u kac qiimaha ra'sumaalka aan guurin. Waana midda aan qabo in lagu dhiirado rajada soo muuqatey oo weliba kharash dheeriya la geliyo muraadyada xilliyada fasaxa.

Kor u kaca miisaaniyadda loo isticmaalo fasaxyada ayaa ugu badan sida laga dareemeyo dadka da'da yar, sida ay sheegtay Ingela Gabrielsson. Inta da'da u dhexeeysa 18 illaa iyo 25 jirrada oo la saadaalineyo iney miisaaniyadda ey ku bixiyaan fasaxyada gaarto sannadka 12 500, halka ay middaasi ka ahayd 9 300 sannadkii ka horeeyay ee 2012:
- Waa miisaaniyad kor u kacday 34%, marka loo barbar-dhigo sannadkii ka horeeyay. Waa kor u kac lala fajaco oo muujinaya rajada ey xitaa dhallin-yaradu ka qabaan mustaqbalka, iyada oo weliba ey kor u sii kaceeyso caqabadda shaqaa-la'aanta ee haysata dhallin-yarada.

Bulshada iswiidhishka ayaa iminka ku kharash-gareeya fasaxyada kuleeylaha dhaqaale u dhigma midkii ey ku bixin jireen toban sannadood hortood, sida ay sheegtay Ingela Gabrielsson. Baaritaannada xisaabaha ayaa caddeeyneya inuu adkaaday awooddii dhaqaale ee reerka iswiidhishka, iyadoona ey iminka ku miisaaniyad geliyaan fasaxyada 17 800 oo koron, halkii ey middaasi 10 sannadood horteed ka ahayd isku celcelin 13 000. Waana qiime u dhigma lacagta maanta oo gaarsiisan 14 700 oo koronka iswiidhishka ah.

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".