Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baaritaan lagu samaynayo surrogatmamma

La daabacay onsdag 19 juni 2013 kl 16.43
Baaritaan lagu sameynayo sharciyeynta surrogatmamma
(2:47 min)
Wasiiradda Caddaaladda Beatrice Ask (M). Sawirle: Thomas aGraf/ Sveriges Radio.

Haddii lammaane isqaba ay sababo kala duwan awgood u suuroobi weydo in ay ilmo isu dhalaan, waxay jecleystaan oo ka fekeraan habkii ay ilmo u heli lahaayeen. Kolkaa haddii ugxantooda iyo shahwaddooda inta isku bacramiyo lagu shubo ilma-galeenka qofka kale oo dumar ah ayaa lagu magacaabaa afka iswiidhishka surrogatmödraskap, qofka dumarka oo uurka u qaaday lammaanahaasna waxaa lagu magacaabaa surrogatmamma. Mararka qaarkood waxaa dhacda in ugxantu ka timaaddo qofka ilmaha qaadaya oo aysan ka iman hooyada ilmaha dooneysa. Markii ay ummushana waxaa ilmaha lagu wareejiyaa lammaanihii wakiishay.

Nidaamka ilmaha la isugu qaado wuxuu sharci ahaan ka jiraa dalal badan oo dunida ku yaal, laakiin Iswiidhen sharci-darro ayuu ka yahay. Lammanayaal badan oo iswiidhish ahna ayaa sannad walba u dhoofa dal kale si ay u helaan qof ilmo u qaada. Sanooyinkii dambe waxaa Iswiidhen ka socdey doodo ku saabsan arrintaan hooyada uurka loo wakiisho ama surrogatmamma. Sidaas awgeed ayey dowladda hadda dooneysaa in ay u xilsaarto qof soo baara in Iswiidhen laga sharciyeeyo surrogatmödraskap iyo in kale.

- Run ahaantii ma aha arrin fudud. Qof ayaan u xilsaarnay in uu soo baaro aragtiyaha kala duwan ee arrintaan laga qabo. Sidaasna waxaa tiri wasiiradda garsoorka Beatrice Ask.

Gu’gii la soo dhaafay ayey aqlabiyad baarlamaani ahi ka dalabtay dowladda in ay baaritaan ku samayso arrinta la xiriirta surrogatmödraskap. Dowladda waxay dhankeeda magacawday haweeney garyaqaan ah oo lagu magacaabo Eva Wendel Rosberg in ay arrinta soo lafagurto. Baarahani wuxuu haystaa ilaa bisha Juun ee 2015 in uu ku baaro faa’iidada iyo khasaarada ka imaan kara haddii la sharciyeeyo, iyo cawaaqibka ay u yeelan karto hooyada ilmaha caloosha ku qaadday iyo ilmaha qudhiisa, iyo weliba haddii la sharciyeyn karo surrogatmödraskap aan lacag laga macaasheyn.

Baarahani waxay kaloo soo baareysaa cidda xaq u yeelaneysa in ay habkaas waalid ku noqoto iyo haddii shuruudo lagu xirayo hab-nololeedka qofka noqonaya surrogatmamma. Waxaa kaloo u baahan in la hubsado wixii la samayn lahaa haddii ay isbeddelaan ama ka noqdaan waalidka ama qofka surrogatmamma noqonaya. Matalan haddii qofka ilma-galeenkeeda la wakiilanayo uu isbeddelo oo diido in uu ilmaha iska dhiibo.

- Haa oo arrimahaas sharciga la xiriira waa kuwa la doonayo in marka hore meel la isla dhigo. Arrintuna ma sahlana ee waa in dhinacyo badan laga eegaa.

Xisbiyada dalku waa ay ku kala qaybisan yihiin aragtida arrintaan. Xisbiga Bidixda oo mucaaradka ka tirsan iyo xisbiga Masiixiga dimoqraadiga ah oo dowladda ku jira ayaa sharciyeynta arrintaan ka soo horjeeda, in kastoo uu xisbiga Masiixiga dimoqraadiga ahi taageersan yahay in baaritaan lagu sameeyo arrinta surrogatmödraskap.

Waxaa kaloo baaraha loo qabtay in uu sannad gudihiis ku soo bandhigo hindise suurtagelinaya in haweenka keligood nool fursad loo siiyo in ay habka bacrinta ilmo ku yeeshaan.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".