Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

EU oo laga yaabo inay joojiso isticmaalka tubaakada iswiidhishka

La daabacay torsdag 20 juni 2013 kl 09.57

Waxay u muuqataa in Midowga Yurub uu gebi ahaanba joojin doono tubaakada Iswiidhen laga isticmaalo oo af-iswiidhishka loogu yaqaan snus. Sidaasna shirkadda tubaakada soo saarta oo lagu magacaabo Swedish Match ayaa u turjuntay hindisihii golaha Yurub isku raacay oo la filayo in maalinta jimcaha ay wasiirada caafimaadka ee dalalka Midowga Yurub mawqif ka qaadan doonaan.

Jimcaha saadambe oo ku aaddan dabbaaldegga bartamaha xilliga xagaaga ayey wasiirada caafimaadka ee dalalka Midowga Yurub ku kulmi doonaan dalka Luxemburg si ay uga wadaxaajoodaan sharciyada mustaqbalka lagu maamulayo tubaakada. Hindisihii ugu dambeeyey oo tanaasulka ku dhisnaa waxaa ku jiray in la mamnuuco waxyaalaha tubaakada lagu daro oo fududeeya in nikatiinku dhaqso jirka qofka u galo. Tubaakada iswiidhishka (snus) waxaa ku jira maaddada loo yaqaan nataariyamkaarbonaat oo inta badan loo qoro E500. Maaddadaasina waxay saamayn ku leedahay sida uu jirka dadka u qaato nikatiinka.

Dhawr maalmood ka hor wadahadallada Midowga Yurub oo ku saabsan sharciyada cusub ee tubaakada waxaa loo arkay in aayaha tubaakada dhadhanka loo yeelay uu khatar ku jirey. Haddase waxaa muuqata in khatartaasi aymeesha ka baxday oo beddelkeeda la soo hordhigayo golaha hindise lagu doonayo in gebi ahaanba la mamnuuco dhammaan noocyada tubaakada Iswiidhen.

Isha: Ekot

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".