Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kor ayey u kaceen tirada dadyoowga qaata lacagta ceeydha

La daabacay torsdag 20 juni 2013 kl 09.52
Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Tirada dadyoowga ka soo dhaca ceeymiska ee qaata lacagta ceeydha ayaa aad kor ugu kacdey, sida ku cad baaritaan ay sameeysay hayadda ceeymiska qaranku.
Dadyoowgii ka baxay nidaamka ceeymiska shaqada sannadkii 2010 ayey tiro ka badan 14% ku khasbanaadeen iney qaataan dhaqaalaha taageerada ee lagu magacaabo ceeydha sannadkii xigey ee 2011

Halka sannadkii ka horeeyay intii aaney ka bixin nidaamka ceeymiska ey tiradaasi gaarsiisneyd 8%. Sawir middaa la mid ah ayaa uga muuqdey hayadda Ceeymiska Qaranka dadyoowgii ka dhacey ceeymiska shaqada sannadkii 2011.

Hase yeeshee uu farqiga u dhexeeya sannadihii 2009 iyo 2010 uu la xiriiro xaaladda caafimaad ee dadyoowgaa, sida uu aamin-san yahay Peje Bengtsson.:
 Kuwa gadaal kaga soo biirey waxey kaga liiteen dhanka caafimaadka. Kuwaasina oo ey qaar badan oo ka mid ahi ka soo jeedaan dadyoowgii ku diiwaan-gashanaa xannuunka muddooyinka xaddida, waana dadyoow ey kaga adag tahay sidii ey ku geli lahaayeen suuqa shaqada.

Midda kale ee lagu macneeyn karo tirada kor u kacdey ee baahida u qaba dhaqaalaha ceeydha ayaa la oran karaa iney sabab u tahay maadaama ey dadyoowga ka soo dhaca nidaamka ceeymiska, waa kuwii ku qoraa xannuunka muddooyinka gaagaaban ey horay u qaadan jireen mushaarooyin hooseeya, sidaa daraadeedna kolka ey ku soo xirmaan hayadda ceeymiska qaranka ama xafiiska shaqadu aannu ku filleyn gunnada ey ka helaan maadaama aaney horay u qaadan jirin gunnooyin badan, midkaasina uu gun-dhig u ahaa gunnada ey ka helaan hayadahaa.

Isha/ DN

                                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".