Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka maskaxda ka xanuunsan oo aan helin daryeel wanaagsan

La daabacay torsdag 20 juni 2013 kl 13.27
Sawirle: Leif R Jansson/Scanpix.

Waxaa daraasad cusub oo ay soo saartay Hay’adda adeegga bulshadu lagu muujiyey in dadka maskaxda ka jirran ay ka hor dhintaan dadka kale.

Agaasimaha guud ee hay’adda adeegga bulshadu Lars-Erik Holm wuxuu dhaleeceyn kulul dusha uga tuuray maamulada degmooyinka iyo gobollada isagoo sheegay in dadka maskaxda ka jirran ay helaan daryeelka oo ka liita kan dadka kale helaan:

- Waxaa laga yaabaa in taas loo aaneynayo in goobaha bukaanka maskaxdu aysan u arag sida xannuunada jirka ku dhaca maadaama ay xanuunadaasi leeyihiin astaamo cudur oo lagu garto. Waxay kaloo ku xirnaan kartaa in goobaha bukaanku ay xanuunkaan u arkaan xanuun-maskaxeed oo aysan baarin astaamaha jirka ka muuqda oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".