Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hormuunka dumarka oo ka hortegi kara infakshanka kaadimareenka

La daabacay torsdag 20 juni 2013 kl 15.29
Sawirle: Leif R Jansson/Scanpix.

In lagu daaweeyo hormuunka dumarka oo afkaan iswiidhishka lagu yiraahdo östrogen waxay ka hortegi kartaa in infakshan kaadimareenka uga dhaco dumarka gaarey xilliga ciso-goyska. Sidaasna waxaa lagu muujiyey daraasad ay Machadka Karolinska. Hormuunka östrogen wuxuu dardargeliyaa in jirka qofku sameeyo maaddo antibiyootiko ah.

Inta ciso-goyska lagu jiro iyo kadibba waxaa dumar badan ku soo noqnoqda infakshanno ka gala kaadihaysta iyo marinnada kaadida. Taas waxaa sabab looga dhigayaa in haddii heerka hormuunka östrogen uu u dhaco ay keeneyso in xuubabka jirka gudahiisa ku jira ay khafiifaan. Sidaas awgeed ayey markii ay nabar noqoto ugu fududaataa bakteeriya in ay dhexgasho nudaha jirka oo halkaa isku qariso, kadibna keento infakshanno hor leh.

Arrinta daraasadaan lagu ogaaday waxay keeneysaa in mustaqbalka la dhimo isticmaalka daawooyinka antibiyootikada.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".