Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hindisihii hannaanka waxbarashada dugsiyada oo heshiis laga gaaray

La daabacay torsdag 20 juni 2013 kl 16.38
Sawirle: Frida Hedberg/Scanpix

Dowladda ayaa taageero ka heshay xisbiyada Sooshoyaal-dimoqraadiga, Bidixda iyo Doogga, taageeradaas oo ku wajahan qorshaheeda ka kooban toban qodob oo la doonayo in sare loogu sumcadda xirfadda macallimiinta, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada Jan Björklund.

-Waxaa jira xisbiyo doonaya in arrinta horay loo sii wado, laakiin muhiimaddu waxa weeye in la isku raacsan yahay hadafka ugu weyn. Waana markii ugu horreysey, ayuu Jan Björklund wakaaladda ee TT kadib markii uu ka soo baxay shirkii uu la qaatay dhammaan xisbiyada oo uusan Sverigedemokraterna ku jirin.

Ururka macallimiinta iyo ururada shaqa-bixiyayaashu horey ayey u taageereen arrimaha ay ka mid yihiin in la kordhiyo mushaharada macallimiinta oo sare loo qaado xirfaddooda, in la dhimo hawlaha maamulka oo ay macallimiintu qabtaan, in laga qaado imtixaan ay ku galaan waxbarashada macallinimada, in la adkeeyo shuruudaha shaqooyinka ay qabtaan inta ay waxbarashada ku jiraan, iyo in la asaaso machad loogu talagalay cilmi-baarista dugsiyada.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".