Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Borg: oo ku hanjabay inuu xeereyn doono ka qeybgelinta haweenka maamullada

La daabacay måndag 24 juni 2013 kl 10.30

Wasiirka dhaqaalaha ee dalkan Iswiidhen Anders Borg ayaa ku hanjabay inuu dalka ku soo food-leeyahay xeer khasbaya in haweenka laga qeyb geliyo hoggaanka sare ee shirkadaha, maadaama uu wasiirku aamin-san yahay in howshaasi aanay ku socon xowligii looga baahnaa, sida uu qoray war-geeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter DN.

Illaa iminka ayey si aad ah uga soo hor-jeedeen hogaamiyeyaasha shirkadaha dalku, inkastuu wasiirku fikirrada diidmada ee maamullada shirkadaha aanu u arag wax la aqbali karo:
- Waa mid muuqata in howshani ku socoto xoowli aad u gaabiya. Halka dhanka kale ay xoogeeysatay dooddii oranaysay in xeer middaa laga soo saaro, sida uu war-geeyska DN u sheegay Anders Borg.

Dawladda ayaan illaa hadda ka diyaarin wax xeer ah hase-yeeshee la sheegeyaa inay hoos u dhacday gaartayna kaalintii ey ku sugneeyd sannadkii 2010 tirada haweenka ee xubnaha ka ah hoggaannada sare ee shirkadaha, sida ay sheegtay shirkadda labaad ee AP-fonden.

Isha/ DN

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".