Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qidmadda aaladda tiifiiga oo lagu waajibiyyey kombiyuutarrada

La cusbooneeyay måndag 24 juni 2013 kl 14.56
La daabacay måndag 24 juni 2013 kl 11.30
Xitaa haddii siyaabo kale loo isticmaalo waa waajib qidmaddu
(1:33 min)
Sawirle: Berit Roald / Scanpix

Maxkamaddii ugu horeeysay ayaa xukun ka riday in dadyoowga isticmaala aaladda kombiyuutarrada lagu waajibiyey iney bixiyaan qidmadda aaladda la daawado ee tiifiiga, middaasina oo ay shaacisay inay waajib tahay wakaaladda amuurtaa qaabil-san ee lagu magacaabo Radiotjänst horraantii sannadkan.
Maxkamadda racfaanka ee magaalada Luleå ayaa go'aan diidmo ah ka gaartay 19-kii dacwadood ee ugu horeeyey ee amuurtaa laga soo gudbiyo.

Qoraal saxaafadeed ay maxkamaddu soo saartay ayay ku sheegtay in xitaa haddii aaladda kombiyuuterka loo isticmaalo hoowlo kale ay daawashada tiifiigu ka mid tahay waxyaalaha loo isticmaali karo, sidaa daraadeedna ay waajib tahay in qidmad laga bixiyo.

Gudoomiyadda maxkamadda Victoria Bäckström ayaa ka war-bixisay sida ey wax u tarjumeen:
- Iminka howlihii ayaa wax iska badaleen, maadaama ay shirkad ku howl-gasha tiifiiyada dhammaan barnaamijyadeeda ku soo ban-dhigtay aaladda internetka. Marka xitaa haddii kombiyuuterka loo isticmaalo waxyaalo kale ayay maxkamaddu u aragtay in dhanka kale lagu daawan karo barnaamijyada idaacadda la iska daawado, sidaa daraadeedna uu yahay mid qidmadda ku waajib tahay in laga dhiibo, sida ay sheegtay.

Dhanka kale waxaa weli har-san sidii go'aan-maxkamadeed looga gaari lahaa racfaan gaarsiisan laba boqol oo laga qaatay go'aan-maxkamadeedyo la xiriira dacwooyin ey ka mid yihiin aaladda telefoonnada gacanta iyo kombiyuutarrada saxammada.

Isha/ Ekot

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".