Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kaankarada naasaha oo ey kor u kaceen tirada dadyoowga qaba

La daabacay måndag 24 juni 2013 kl 13.30
Sawirle: American College of Radiology/Linda Forsell. Scanpix

Muddo shan sannadood ah ayay kor u kacday 20% tirada dadyoowga laga helo cudurka kaankarada naasaha. 8 000 oo haween ah ayaa sannadkii lagu ogaadaa baaritaan iney cudurka qabaan, waana tiro kor u sii kacda sannadba, sannadka ka dambeeya, sida uu qoray war-geeyska Sydsvenskan.

- Nasiib-darro maaha mid uu shaki ku jiro kor u kaca tirada dadyoowga u xanuunsada cudurka kaankarada naasaha, waana mid loo baahan yahay sidii wax looga qaban lahaa, sida uu sheegay Signe Borgquist, oo ka howl-gala jaamicadda Lund, mar uu u waramayay war-geeyska Sydsvenskan.

Da'da bulshada oo kor u sii kaceeysa ayaa ka mid ah sababaha loo aaneeyneyo. Kor u kaca tirada dadyoowga tijaabooyinka laga qaado iyo is-bedel ku dhacay hab-nololeedkii bulshada ayaa ah midda labaad ee loo aaneyneyo.

Isha/ Ekot

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".