Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hayadda socdaalka oo la dhaleeceeyey

La daabacay måndag 24 juni 2013 kl 14.31
"Ma jiraan illaa hadda caddeeymo cilmiyeey-san ee da'da dhallaanka lagu hubiyey". Sawirle: Scanpix. Foto: Montage: Sveriges Radio.

Hayadda socdaalka ayaa lagu dhaleeceeyey inay si khaldan u tijaabiso da'da dhallaanka magan-gelyada dalka ka dalbada. Waana hab ka soo hor-jeeda dhaba-tuska hayadda hoggaanka bulshada oo qabta inuu falkaa hogaamiyo dhakhtar culuun u leh caafimaadka dhallaanka oo uu dabadeed fikir ka bixiyo/bixiso sawirrada laga qaado dhallaanka, isaga/iyada oo la kaashaneeysa fikirkeeda iyo sidii loo xaqiijin lahaa da'da dhallaanka.

Illaa iyo hadda ayay tijaabooyinka ay hayadda socdaalku ka qaado dhallaanka aaney qeyb ka aheyn go'aankooda dhakhaatiirta caafimaadka dhallaanku, iyadoo ey howshaa go'aan ka gaaraan hoowl-wadeennada hayadda socdaalku. Tijaabooyinka sawirrada ee laga qaado dhallaanka ayey ka muuqan karaan khaladaad u dhexeeya laba illaa iyo afar sannadood.

Hayadda hoggaanka bulshada ayaa aamin-san in aan baaritaanka iyo go'aanka hoowlahaa la xiriira ee maanta aan lagu sifeeyn karin mid cilmiyeey-san:
-  Weli waxaan ku howlannahey sidii aan tijaabooyinka iyo go'aanka laga gaaro uga dhigi laheyn kuwo cilmiyeey-san, sida ay sheegtay Elis Envall, mar ay u warramaysay war-geeyska Dagens Nyheter (DN).

Waddammada Yurub ayey sannadkii soo galaan dhallaan keli-nimo ku yimaada oo tiradoodu gaarsiisan yihiin

10 000. Iyada oo qaar badan ee dhallaankaasi ka mid ahi ka soo jeedaan waddammada Afgaanistaan iyo Soomaaliya, ahna waddammo u dagaal-ka socday sanooyin fara badan oo aaney maamullada ka jiraa u suurtagelin iney bixiyaan waraaqo aqoonsi ee la aqoon-san yahay.

Isha/ DN

                                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".