Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bacriminta macmiilka ah ee ilmaha oo aan la iskugu yaboohi karin

La daabacay måndag 24 juni 2013 kl 14.45
Sawirle: Hasse Holmberg

Waalidiinta ey caruurta ugu dhashaan habka aan dabiiciga ahayn ee bacriminta ukunta iyo shahwada waxey inta badan u furfuran yihiin iney ugu yaboohaan lammaaneyaasha kale haraaga bilowga bacriminta la barafeeyey ee ka hara, sida ku cad baaritaan lagu sameeyey lammaaneyaal tiradoodu gaarsiisan yihiin 471 oo uu habkaa dhallaan ugu dhashey, eyna horay ugu suurtageli waysay iney si dabiici ah ilmo ugu dhallaan qaasatan cusbitaallada Akademiska ama kan magaalada Uppsala ee Carl von Linnékliniken.

Foomam loo qeeybiyey ayey afar daloolow saddex kaga soo jawaabeen iney u furfuran yihiin ugu yaboohidda bilowga nolosha ee bacriminta aan dabiiciga ahayn lagu sameeyey, lammaaneyaasha kale ee caqabadaha noocaasiya la soo gudboonaadeen.

Muddada bacriminta lagu jiro ayaa la barafeeyaa qaar ka mid ah ukxanta iyo shahwada sida macmalka ah loo bacrimiyey, si dabadeed loogu isticmaali karo tijaabooyin lagu sameeyo lamamaaneyaasha, hase yeeshee aan la xafidi karin muddo shan sannadood ka badan. Wixii intaa ka dambeeya ayaa la baabi'iyaa, haddii aaney lammaanihii lahaa ugu deeqin cilmi-baaris in loogu isticmaali karo. Hase yeeshee aaney lammaaneyaashu ugu yaboohi karin dadyoow kale oo ey ilmo la'aani la soo gudboonaatey.

Xeerarka dalka u deg-san ayaa khasbaya in mid ka mid ah lammaaneyaasha laga soo qaadey oogadiisa unugyada la damac-san yahay si loogu sameeyo bacriminta.

Isha/ UNT

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".