Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i Skogsbo och räddningsledaren uppmanar alla som befinner sig i området att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Dalarna.
(Publicerat idag kl 17.31)

Shilal ka dhacey waddooyinka intii lagu jiray fasixii bartamaha kuleeylaha

La daabacay måndag 24 juni 2013 kl 15.30
Shil ka dhacay waddada E6. Sawirle: Anna Carlsson /SR

Guud ahaan lix ruux ayaa ku naf weeydey waddooyinka dalka intii lagu jirey fasaxii  oo dhowaantan ina dhaafay. Shilkii ugu horeeyay ayaa dhacay maalintii khamiistii ina dhaaftay uuna sababay shil ka dhacay waddada E4 nawaaxiga Mehedeby oo waqooyiga ka dhaca magaalada Uppsala ay ku naf-wayday haweeney 65 jir ah oo keli ku ahayd gaari.

Sabtidii ina dhaaftay ayuu sidoo kale nin ku naf waayay Medelpads kadib isaga oo gaarigii uu saarnaa waddada kala baxay, dabadeedna uu hoosta ka galay.

Fiidnimadii habeenkii axadda ayey saddex ruux ku naf waayeen gawaari si toos ah isugu dhacdey waddada E10 ee bannaanka magaalada Överkalix, halka uu sidoo kale nin 50 jir ah ku naf-waayay kolkii uu mootadii uu saarnaa ay jidka kala baxday nawaaxiga Skamhed oo dhacda koonfurta Vansbro.

Intaa waxaa dheer iney saddex ruux la il daran yihiin shil uu ku lug lahaa gaari kuwa xamuulka ee magaalada Göteborg.

Marka laga yimaado dhacdooyinkaa ayay wakaaladda gaadiidku sheegtay inuu gaadiidku si caadi ah u socdey waddanka guud ahaan.

Isha/ TT

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".