Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Eskil Erlansson ayaa sheegay inuu magdhow u dooneyo beeraleyda

La daabacay måndag 24 juni 2013 kl 16.30
Sawirle: Jonas Neuman/P4 Gotland

Wasiirka dawladaha hoose (degmooyinka iyo tuulooyinka) Eskil Erlandsson ayaa shaaca ka qaaday in mag-dhow ay dawladdiisu ka siin doonto beeraleyda iyo bulshada ku dhaqan tuulooyinka dhaqaalihii ey ku waayeen wada-hadalladii miisaaniyadda muddada dheer ee waddammada ku bahoobey ururka Midowga Yurub, sida ay war ku baahisay laanta wararka idaacadda ee Ekot.

Eskil Erlandsson ayaa haddaba dawladda ka codsaday inta aan la gaarin miisaaniyadda xilliga dayrta in loo qorsheeyo dhaqaale gaarsiisan saddaex iyo bar bilyan oo koron muddo toddoba sannadood ah. Haddii uu codsigaa ogolaado wasiirka dhaqaalaha Anders Borg ayaa laga hubsan doonaa kolka la soo gabagabeeyo bisha agoosto wada-hadallada miisaaniyadda.

Isha/ Ekot

                                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".