Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaan magdhow oo lagu soo oogey dawladda

La daabacay måndag 24 juni 2013 kl 16.36
Sawirle: Kenzo/AFP Scanpix

Ururro dhowr ah oo uu ka mid yahay ururka marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno RFSL ayaa maanta u gudbiyey dawladda codsi qaan mag-dhow la xiriira dhufaanid si khasab ah loo fuliyey.
Middaasina oo lagu sameeyey dadyow tiradoodu gaarsii-san yihiin 142 oo horay go'aansadey iney jinsigooda bedelaan.

RFSL ayaa codsigan mag-dhow u gudbisay guddiga ugu sarreeya ee cadaaladda JK, mag-dhowgaasina oo lagu sheegay inuu yahay 300 000 ruuxiiba, isku celceliskiisuna 42,6 malyuun oo koron.

Shuruudda ah in ruuxu is-dhufaano kolka uu dooneyo jinsi bedel inuu sameeyo ayaa la joojiyey laga bilaabo koowda bisha luulyo ee 2013.

Ilaha/ Ekot,TT

                                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".