Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Degmooyin yar oo qaata dhallaanka sharci-darrada ah oo dugsiyada dhigta

La daabacay tisdag 25 juni 2013 kl 09.45

Hay’adda kormeerka dugsiyada wuxuu qabaa in ay degmooyinka waajib ka saaran yahay in ay hab wanaagsan u qaabbilaan dhallaanka sharci-darrada ah oo dugsiyada dhigta. Sidaasna waxaa bogga doodaha ee wargeyska Svenska Dagbladet ku qoray wakiil ka socda Hay’adda kormeerka dugsiyada.

Waxaa go’aan lagu gaaray in laga bilaabo 1da Luulyo ay dhammaan dhallaanka sharci-darrada ah xaq u leeyihiin in ay wax ku bartaan dugsiyada iswiidhishka.

Laakiin waxaa baaritaan ay sameysey Hay’adda kormeerka dugsiyadu lagu muujiyey in degmooyin tiro yari ay diyaar u yihiin in ay arrintaas hirgeliyaan.

Baaritaankanina wuxuu ka hadlayaa in degmooyinku aysan war u hayn inta dhallaan degmadooda ku sugan, iyo in aysan dugsiyadu lahayn nidaam lagu qaabbilo dhallaanka sida gaarka ah ugu baahnaan kara caawimaad gaar ah.

Isha: Ekot iyo SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".