Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Waa in kormeer dheeraad ah lagu sameeyaa guryaha carruurta lagu hayo

La daabacay tisdag 25 juni 2013 kl 09.54
Sawirle: Ingvar Karmhet / Scanpix

Taageerada la siiyo carruurta loo geystey falal dembiyo ah waxay ku xiran tahay hadba meesha ay dalka kaga sugan yihiin. Ururka carruurta u dooda oo af-iswiidhishka loogu yaqaan Rädda barnen wuxuu doonayaa in isla shaqayn laga dhex abuuro guryaha carruurta lagu hayo iyo in la asaaso xarun cilmi-baaris ee heer qaran. Guryaha carruurta waxaa looga jeedaa guryaha lagu hayo carruurta guryahoodii looga soo waday falal dembi oo loo geystey awgood.

Baaritaan ay isla sameeyeen ururka Rädda barnen iyo jaamacadda Linköping ayaa lagu muujiyey in guryaha carruurta oo ku yaal degmooyinka Linköping, Lund iyo Uppsala ay yihiin kuwa qura buuxinaya shuruudihii loo asaasay guryaha carruurtaas dhibaateysan.

Gurigii ugu horreeyey oo carruur dhibaateysan loogu talagalay waxaa Iswiidhen laga furay sannadkii 2006. Ujeeddada laga lahaana waxay ahayd in carruurta looga shaki qabo in loo geystey falal dembi ay helaan caawimadda iyo taageerada ay u baahan yihiin intii ay hay’aduhu isu dhiidhiibi lahaayeen.

Maanta waxaa dalka ka jira in ka badan 160 degmo oo ay ku yaalliin guryo lagu hayo carruurtaas dhibaateysan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".