Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Kansarka naasaha oo Iswiidhen ku soo kordhaya

La daabacay tisdag 25 juni 2013 kl 12.00
Sawirle: American College of Radiology/Linda Forsell. Scanpix

Dhacdooyinka kansarka naasaha ayaa Iswiidhen kor ugu kacay boqolkiiba 20 shantii sano ee ugu dambeysey. Sannad walba waxaa kansarka naasaha laga helaa dumar tiradoodu kor u dhaaftay 8000 oo qof. Tiradaasina waa soo kordheysey sannadba sannadka ka dambeeya.

Caalin cilmiga cudurada mindhicirada oo lagu magacaabo Signe Borgquist kana hawlgala jaamacadda Lund wuxuu wargeyska Sydsvenskan u sheegay in aan shaki ku jirin in dad badani cudurkaan la xanuunsanayaan.

Sababaha loo aaneynayo kororka cudurkaan waxaa ka mid ah da’da iyo tirada dadka oo sii korhdeysa iyo caadooyinka hab-nololeedka oo isbeddel ku yimid. Waxaa kaloo ka mid ah in dumarka raajada naasaha laga saaro ay soo bateen. Kolkaas waxaa la oran karaa in heerka dhacdooyinka kansarka naasaha oo hadda la helo uu sare u kacay.

Isha: Sydsvenskan, Netdoktor iyo TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".