Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ciidamada nabadsugidda oo muddo xog ka soo ururinayey xisbiga V

La daabacay tisdag 25 juni 2013 kl 15.12
Jens Holm oo xisbiga Bidixda u fadhiya Baarlamaanka

Sarkaal 48 jir ah oo lagu magacaabo Hans-Erik Sjöholm ayaa sanooyin badan basaasi jirey madaxda xisbiga Bidixda.

Wargeyska Aftonbladet ayaa hadda shaaca ka qaaday in ninkaasi ciidamada nabadsugidda ugu dhexjirey xisbiga oo uu soo ururin jirey warar ku saabsan madaxda xisbiga. Waxaana madaxdaas ka mid ahaa hoggaamiyihii hore Lars Oly iyo Jens Holm oo ka mid ahaa madaxda sare ee xisbiga. Labaduba waxay hadda xisbiga u fahdiyaan baarlamaanka.

Arrintaan waxaa maanta ka carooday labadaan nin oo ciidamada nabadsugidda ka dalbaday in wax walba oo ku saabsan bannaanka la soo dhigo. Dhanka kale Jens Holm wuxuu idaacadda Radio Sweden u sheegay in ay labadooduba dalbayaan in ay kulan la qaataan dadkii mas’uulka ahaa.

Warreysi uu siiyey wargeyska Aftonbladet wuxuu ku sheegay in in dad basaasa xisbiyada loo diro xisbiyada ay takrafal ku tahay dimoqraadiyadda.

Isha: Aftonbladet iyo Radio Sweden

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".