Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

7000 oo arday dugsi oo ku sugan xaalad aan la garaneyn

La daabacay onsdag 26 juni 2013 kl 09.44
Sawirle: Maria Rymell/Sveriges Radio.

Waxaan weli la ogeyn xaaladda ay ku sugnaan doonaan dayrta soo socota 7000 oo arday oo soo codsaday in ay dhigtaan dugsiyadii shirkaddii JB Education ee kacday. Taasna waxaa lagu muujiyey baaritaan uu wargeyska SvD ku sameeyey codsiyadii loo soo gudbiyey shirkadaha dugsiyadaas la wareegtey oo hadda yaal Hay’adda kormeerka dugsiyada. Haddii aan ardaydaas codsiyadooda la aqbalin waxay kolkaas ku khasbanaan doonaan in ay sugaan sannadka dambe si ay u bilaabaan waxbarashooyinkii ay soo dalbadeen.

Waxaa jira shirkado cusub oo soo gudbiyey in ay daneynayaan la wareegidda dugsiyadaas badankood, laakiin ardayda soo hartaa waxaa loo qaybin doonaa dugsiyada kale. Welise lama hubo sida xilliga dayrta ee ardaydaasi noqon doono. Hay’adda kormeerka dugsiyadu waxay ilaa hadda aqbashay codsigii laba shirkadood oo qura – shirkadaha kale oo codsiga soo gudbiyeyna waxaa weli ku socda baaritaan.

Wixii ka horreeyey 11 Juun waxay shirkadda waxbarashada ee JB Education ka mid ahayd shirkadaha dalka ugu waaweyn oo maamulaha dugsiyo gaar loo leeyihiin. Waxay shirkaddaan hadda kacday lahayd soddomeeyo dugsiyo sare ah iyo shan dugsiyo hoose ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".