Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wadahadalladii shaqa-joojinta oo dib u bilaabanaya

La daabacay onsdag 26 juni 2013 kl 09.54
Sawirle: Ida Lindhagen

Maanta saacaddu markay tahay tobanka gelinka hore ayey dhinacyadii is haystey dib u bilaabi doonaan wadahadalladii ay bilaabeen dhawr maalmood ka hor. Dhinacyadaasina waxay kala yihiin ururka shaqaalaha degmooyinka iyo shirkadaha basaska. Sidaasna waxaa sheegtay Camilla Levin oo xoghayaha ururka shaqaalaha degmooyinka u qaabbilsan arrimaha saxaafadda. Shaqa-joojintii basaska ayaa maanta gashay maalintii siddeedaad.

Xalay ayaa wadahadalladaas la joojiyey kadib markii la isku afgaran waayey.

Shaqa-joojintaani waxay saameyn ku leedahay boqolaal dad ah oo ku safri jirey basaska ka shaqeeya aaggaga Stockholm iyo degmooyinka Södertälje, Umeå, Norrköping, Strängnäs, Halmstad, Jönköping iyo Västerås/Hallstahammar.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".