Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Musuqmaasuq ka dhacay xafiiska Hay’adda Socdaalka ee Malmö

La daabacay onsdag 26 juni 2013 kl 10.49

Dad badan oo shaqeeya xafiiska Hay’adda Socdaalku ku leedahay magaalada Malmö ayaa lagu tuhunsan yahay in ay galeen noocyo kala duwan oo dembiyo ah. Taasina waxay ku timid kadib markii baaritaan lagu tuhunsan yahay musuqmaasuq laga bilaabay xafiiska. Tuhunkani wuxuu ku wajahan yahay waaxda qaabbilsan dadka dib dalkooda ugu noqonaya. Waxaana la sheegay in aysan waaxdaan ka jirin nidaam hoose oo wax lagu kontaroolo. Waxaa tuhunkaas ka mid ah in shaqaalaha waaxdu ay qaateen lacag caddaan oo ay u isticmaaleen safaro, laakiin taasi ma aha wax weli la hubo, sida uu qoray wargeyska Sydsvenskan.

Waxay ahayd sannadkaan bilowgiisa markii la kashifay in sarkaal ka shaqeeya Hay’dda Socdaalku uu sharciga degganaanshaha ku iibsaday malaayiin karoon.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in waxyaalaha hadda la baarayo ay ka mid yihiin isdaba-marin iyo dhagar loo geystey hay’adda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".