Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

EU oo xalay heshiis ka gaarey qaabka loo taageerayo beeraleyda

La daabacay onsdag 26 juni 2013 kl 11.14
Foto: Ivan Sekretarev/Scanpix.

Waddamada EU ayaa xalay ku heshiiyey siyaasad cusub oo ku sabsan arimaha beeraha. Hindisha heshiiskan oo barlamaanka EU mawqif ka qaadan doono ayaa waxuu ka micno yahay in taageerada dhaqaale ee beeraha loogu qaybiyo si xaq ku dhisan beeraleyda waddamada EU. Waxaana xataa sidoo kale ku jira dadaal la doonayo in lagu kordhiyo dhallinyarada beeraleyda ah, sida uu sheegey wasiirka beeraha Iswedhen Eskil Erlandsson.

- Hindisaheena waxa weeye in dhallinyarada beeraleyda ah ee Yurub loo qaybiyo taageero dhaqaale oo dowladeed  madaama ay in beero la fasho lagalaa u baahantahay maagelin weyn iyo naf huritaan badan.  Dowladdaha ayaa laga doonayaa in lacagtan gaarsiyaan dhallinyarada beeroleyda noqonneysa lacagta ay EU u qorshaysey.

500 oo bilyan oo karoon weeyaan dhaqaalaha ay wasiirada EU ku heshiiyeen in lagu taageero beeraleyda EU.  Laakiin inta aysan wasiirada beeraha gaari heshiiskaan aad ayey ugu kalo aragti dowanaayeen sida ay noqon doonto taageerada ururka Siiyo beeraleyda Yurub.  Laakiin inkastoo heshiis laga gaaray ismariwaagii waxaa weli jira saluug laga muujinayo heshiiskan. Marith Poulsen waxay xisbiga Folkpartiet u fadhidaa barlamaanka EU waxeyna kamid tahay gudiga arimaha beeraha u qaabilsan barlamaanka EU. 

- Waxaan tabayaa lacag dhab ahaan ah oo la siiyo barnaamijka mijiga, kaas oo ah barnaamij wanaagsan ilaa bilowgii dhamaanteen xildhibaanada barlamaanka EU intooda badan taageersanayeen. Laakiin heshiis ay horey bishii februari ugaareen madaxda dowladdaha waxey taas keentey in ay sideeda sii ahaato taageerada dhaqaale ee la siin jirey  beeraleyda taas oo ah wax aan dooneyno anaga hor-u-socodkaa in meesha laga saaro. Halka la yareeyey dhaqaalahii loogu talo galay hor-u-marinta miyiga, cilmibaarista iyo wax cusub soo saarka, ayey tiri Marith Poulsen oo ka tirsan barlamaanka EU.

Heshiiskan ayaa markey qalinka ku duugaan wasiirada la horgeyn doonaa barlamaanka EU.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".