Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

SMHI oo ka digeysa roobab xooggan

La daabacay onsdag 26 juni 2013 kl 13.44

Hay’adda saadaasha hawada oo loo gaabiyo SMHI ayaa digniin derejada heerka koowaad ka soo saartay roobab xooggan oo la filayo in ay ka da’aan Galbeedka Iswiidhen. Waxaa la filayaa in ilaa khamiista subaxnimada ay roobabka da’aya biyahoodu gaaraan ilaa 35 mililitir.

Qaybo badan oo dalka ka mid ah ayaa xalay roobab xooggan ka da’een, waxaana la filaa roobab intaas ka badan. Waxaa waqtiga u dhexeeya arbacada subaxdii ilaa khamiista la filayaa in roobab xooggan ay ka da’aan galbeedka gobollada Götaland iyo Värmland. Roobabkaas oo lagu qiyaasayo in biyahoodu gaaraan ilaa 35 mililitir. Sidaas awgeed ayey SMHI u soo saartay digniin heerka koowaad.

Roobabkaas xooggani waxay keeni karaan dhibaatooyinka ka dhasha daadad waxyeeleeya ceelasha iyo biyo ka buuxsama guryaha hoostooda.

Waxaase la filayaa in xaaladda cimiladu xasiloonaato maalmaha sabtida iyo axadda oo derejada kulaylka koonfurta Iswiidhen gaarto 20.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".