Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Macallimiinta oo laga yareynayo culeyska hawlaha maamulka

La daabacay onsdag 26 juni 2013 kl 15.46
Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix

Macallimiintu waa in aysan u baahnaan in ay qoraan hawlaha barnaamijka ardayda u baahan caawimaad gaar ah. Barnaamijkaasna waa in la dejinayaa kolka ay waalidku sidaas codsadaan. Sidaas waxaa ku talinaya Thomas Persson oo ah baaraha dowladdu u xilsaartay arrintaan.

"Macallimiintu waa in ay ardayda waxbaraan, ee ma ahan in ay ku mashquulaan arrimo maamul, ayuu qoray wasiirka waxbarashadu Jan Björklund (FP).

In kastoo aysan hadda waajib ahayn in la dejiyo barnaamij waxqabad, ayuu hadda rafcaan ka qaadan karaa qofkii aan ku qanacsanayn caawimaadda ardayga la siiyey.

Hindisahaan oo maanta lagu soo bandhigay shir-jaraaid ayaa ka mid ah tallaabooyin badan oo lagu yareynayo culeyska macallimiinta ka saaran shaqooyinka ay ka qabtaan dugsiyada. Dowladdu horay ayey gacanta ugu sayrisay hindise lagu doonayey in lagu dhimo qorshayaasha sare u qaadidda iyo qiimeynta.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".