Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Geeridii Taymuur Cabdulwahaab oo weli la baarayo

La daabacay onsdag 26 juni 2013 kl 16.42

In kastoo horey loo sheegay in la joojinayo baaritaankii lagu wadey falkii isqarxinta ahaa ee sannadkii 2010 ka dhacay Stockholm, ayuu haddana baaritaankaasi weli sii socdaa. Kolkaas oo uu bartamaha Stockholm isku isqarxiyey Taymuur Cabdulwahaab oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq, laakiin haystey dhalashada iswiidhishka. Dadka ku hawllan baaritaanku waxay jawaab ka sugayaan dalka dibeddiisa.

Sannadkii hore dhammaadkiisii waxay xeerilaaliye Agnetha Hilding Qvarnström aamminsaneyd in la gaaray waqtigii la joojin lahaa baaritaanka, laakiin weli halkiisii ayuu ka sii socdaa, lamana oga inta uu qaadanaayo. Waxaana lala sugayaa warar ka iman lahaa dalka dibeddiisa. Waxaa badanaaba dhacda in kaalmada xagga sharciga oo laga sugayo dalalka kale ay soo daahday. Taasi waxay ku xiran tahay hababka dalalku isticmaalaan oo kala duwan. Sidaasna waxaa tiri Hilding Qvarnström oo ka gaabsatay in ay sheegto dal ama dalal ay khuseyso.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".