Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ninkii Ikea asaasay oo Iswiidhen u soo guuraya

La daabacay torsdag 27 juni 2013 kl 10.28
Ingvar Kamprad

Ingvar Kamprad oo ah ninkii asaasay dukaanka weyn ee IKEA ayaa hadda u soo guuraya Iswiidhen kadib markii uu ku noolaa 40 sano dalka dibeddiisa. Dib u soo degidda hantilahaan oo hadda 87 sano jir ah ahna ninka shanaad ee dunida ugu taajirsan, waxay la mid tahay in uu hadda kadib canshuur ka bixin doona Iswiidhen. Hantilahaanina wuxuu Sidaas waxaa lagu qoray wargeyska Sydsvenskan.

Waxaa lagu wadaa in uu dalka soo dego dhammaanka sannadkaan. Wuxuuna goostay in uu dego beer ku taal duleedka degmada Älmhult.

Waxay dhowaan markii uu wiilkiisa oo lagu magacaabo Mathias Kamprad uu la wareegay hoggaanka shirkadda Inter Ikea Group. Ingvar Kamprad wuxuu ku tilmaamay xilwareejintaas in ay qayb ka tahay jiil-beddela shirkadda, laakiin uu weli sii hayn doono qayb weyn ka mid ah awoodda shirkadda.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".