Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

DO oo baaraysa dhacdooyin ku saabsan roomer loo diidey kireysi baabuur

La daabacay torsdag 27 juni 2013 kl 11.43
Sawirle: Daniela Bergek

Wakiilka ka hortagga cunsuriyadda oo loo gaabiyo DO ayaa go’aan ku gaaray in baaritaan lagu sameeyo saddex dhacdo oo dad roomer u dhashay loogu diidey in ay baabuur ka kireystaan kaalimo shidaal.

Dhacdaan oo ay idaacadda Ekot uga hadashay waxay ku saabsanayd dadka asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadda roomerka oo geshanaa dharka dhaqanka oo isku deyey in ay baabuur ka kireystaan kaalimo shidaal ku yaal qaybo badan oo dalka ka mid ah. Dadkaasi meeshii ay tagaanba waa ay ku hungoobeen maadaama loogu jawaabayey in baabuurtii la wada kireystay.

Laakiin markii weriyayaal ka socda idaacadda Ekot ay isku dayeen in ay goobahaas ka kireystaan baabuur waxaa loo sheegtay in ay jiraan baabuur diyaar ah.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".