Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Mandela oo xaaladdiisa laga deyrineyo

La daabacay torsdag 27 juni 2013 kl 12.40
Iswiidhen: Dalkii ugu horeeyay ee cunaqabateeya shirkadaha Koonfur Afrika
(4:53 min)
Nelson Mandela. Sawirle: Jack Mikrut/Scanpix.

Xaaladda caafimaad ee Nelson Mandela, madax-waynihii hore ee dalka Koonfur Afrika ayaa laga deeyrineyaa, sida ay hayadda wararka ee AFP sheecisay iyada oo warar ka soo xiganeeysa gabar uu dhalay Mandela.

- Wax walba waa suurtagal "gebagebo ayey ku dhow yihiin, sida ay sheegtay gabadha uu dhalay Mandela.

- Haddii aan ku celiyo ereyadeyda Tata (aabbe) wuxuu ku sugan yahay xaalad xun, iyo inay wax walba dhici karaan. Dhanka kale waxaan jeclaan lahaa inaan carabka ku adkeeyo in wax walba uu ilaah go'aankiisa leeyahay goorta wakhtigu ku eg yahay, sida ay u sheegtay idaacadda raadiyaha ee dalka Koonfur Afrika SAFM.

8-dii bishan juun ayaa Nilson Mandela madax-waynihii hore, ahaan hogaamiyihii ururkii ANC la dhigey cusbitalka Mediclinic Hear, halkaasina oo uu weli ku sugan yahay, isaga oo ey ku xiran yihiin qalab noloshiisa haya.

                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".