Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Taariikh kooban ee Nilson Mandela

La daabacay onsdag 26 juni 2013 kl 13.06

Nelson Rolihlahla Mandela, ku dhashay 18 luulyo sannadkii 1918 magaalada Mvezo ee nawaaxiga Bariga Kap oo horay loogu magacaabi jiray Transkei Mandela ayaa bartay culuunta gar-yaqaan-nimo, dabadeed noqday siyaasi illaa uu gaaray madax-waynaha dalka Koonfur Afrika intii u dhexeeysay sannadihii 1994 - 1999, isagoona ahaa madax-waynihii ugu horeeyay ee si dimoqoraadiyad ah loogu doortay jagadaa, dhammaanna ey ka qeyb qaateen doorashadiisii qoowmiyadaha kala duwan ee dalkaasi ku daqan.

Nilson Mandela ayaa ka mid ahaa dadyoowga ugu cadcad ee dagaalkii aan muruqa ku dhisneyn ee lagula jiray nidaamkii midab-takoorka, hase yeeshee wixii ka dambeeyey dhacdadii xasuuqa ee Sharpeville uu qeyb ka noqday dagaalkii hubeeysnaa ee jabhaddii ANC, isagoona xabsi ku jiray muddo 27 sannadood ah, 18 sannadood oo ka mid ahina uu ku sugnaa xabsiga caanka ah ee Robben Island.

Mandela ayaa kolkii uu isaga degey jagada madax-wayne-nimada aan ka fariisan siyaasadda iyo su'aalaha la xiriira, isagoona muteeystay abaal-marinno 250 gaaraya ayna ka mid tahay abaal-marinta biladda Nobeelka ee nabadda sannadkii 1993. Mandela ayaa dalkiisa looga yaqaan magaca Madiba, waana magac maamuus ah ee loogu yeero odeyaasha qabiilka uu ka soo jeedo.

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".