Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Guryo arday la’aan ba’an ayaa Iswiidhen ka taagan

La daabacay torsdag 27 juni 2013 kl 13.54

Marka la barbardhigo dalalka waqooyiga Yurub, Iswiidhen ayaa ugu liidata xagga diyaarinta guryo ardaydu galaan. Safafka guryahaas loogu jiraana aad ayey u dheer yihiin. Rajada in mustaqbalka la dhiso guryo arday aad ayey u xun tahay marka la barbardhigo waddamada deriska ah. Sidaas waxaa sheegtay shirkadda Stiftelsen Stockholms studentbostäder oo is barbardhigaan sameeyey.

Stockholm wuxuu safku qaataa ugu yaraan labo sano, halka ay magaalooyinka Uppsala, Lund, Göteborg iyo magaalooyin kale oo badan iyagana qaadato waqti aad u dheer si loo helo guryo arday. Taasina waa waqti ka dheer inta ku qaadato ardayda ku nool waddamada deriska ah.

Taas micneheedu waxa weeye in Stockholm gaar ahaan iyo Iswiidhen guud ahaan ay ku liitaan xagga tartanka, taasina ay tahay wax laga xumaado. Sidaasna waxaa sheegay Chris Österlund, oo maareeye guud ka ah shirkadda Stiftelsen Stockholms studentbostäder, SSSB.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".