Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqa ka fariisigii dareewallada oo heshiis laga wada gaarey

La cusbooneeyay fredag 28 juni 2013 kl 13.01
La daabacay fredag 28 juni 2013 kl 09.06
Shaqa ka fariisigii oo laga heshiiyey
(0:57 min)
Sawirle: Erik Myrlund

Ururka shaqaalaha Kommunal iyo ururka shaqa-bixiyeyaasha ayaa heshiis ka wada gaarey xaaladdii shaqa ka fariisi ee dareewallada basaskuk u jireen ku dhowaad toban maalmood.

Marka laga yimaado mushaarooyinka shaqaalaha oo kor loo qaadey 1732 koron muddo saddex sannadood ah ayey labada garab sidoo kale ku heshiiyeen in kolka shirkadda basaska ey la wareegto shirkad kale muhiimadda koowaad la siiyo in la howl-geliyo dareewallada iminkaba ka howl-gala shirkaddaa. Heshiiska ayuu sidoo kale ka mid yahay in la isla gaarey tirada mushaaradda ugu hooseeysa ee shaqaalaha dareewallada gaadiidka dad-waynaha aan horay u lahayn iyo sidoo kale in kor loo qaaday awoodda shaqaaluhu ku leeyihiin dejinta jadwalka hoowlahooda.

Gudoomiyaha ururka shaqaalaha ee Kommunal Annelie Nordström, ayaa sheegtay inay ku qanac-san tahay in ururku ku guuleeystay suurtagalka uu u helay in afartiisii shuruudood ee ugu muhiim-saneyd ey u meel-mareen.

Halka uu ururka shaqa-bixiyeyaashu sheegay in kor u kaca mushaar ee heshiiska lagu wada gaaray u dhigmo kuwa ey wada-gaareen garabyada kale ee shaqaalaha iyo shaqa-bixiyeyaasha.

– Heshiiskan cusub ayay ka muuqdaan kor u kac wada-hadal ee la xiriira welwelka shaqaalaha kolka laga wada xaajooneyo shirkadaha la kala iibsaneyo., sida uu saxaafadda warqad ugu qoray ururka shaqa-bixiyeyaashu.

Weli waxaan caddeeyn goorta ey hoowshooda si rasmi ah ugu soo noqon doonto habkii lagu yiqiin, hase yeeshee ey qaar badan ee basaskaasi ka mid ahi hoowlahoodi haddaba bilaabeen, sida uu sheegay ururka shaqa-bixiyeyaashu.

                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".