Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ku kala sareeynta Aqoonkartiyeedka kalkaaliyeyaasha ee cusbitaallada

La cusbooneeyay fredag 28 juni 2013 kl 10.05
La daabacay fredag 28 juni 2013 kl 09.43
Magaalooyinka ayaa ka sahlan in la helo shaqaale xirfad dheeri ah leh
(1:32 min)
Sawirle: Scanpix

Farqiyo aad u ballaaran ayaa ka jira goobaha daryeelka caafimaadka ee dhallaanka kolka laga hadleyo xirfad-kartiyeedka kalkaaliyeyaasha caafimaad ee ka howl-gala goobahaa.

Baaritaan ay sameeysay laanta wararka Ekot ee idaacadda Iswiidhen waxaa lagu ogaadey in goobaha cisbitaallada qaarkood ey ka howl-galaan 75 illaa 90% kalkaaliyaal caafimaad ee xirfad dheeraad ah leh, halka aaney 50%gaarsiisneyn isbitaalada qaarkood tiradaasi.

Cusbitalka dhallaanka ee Astrid Lindgren ayaa ka mid ah cusbitaalada ey ka howl-galaan kalkaaliyeyaasha caafimaad ee ugu liita kolka laga hadleyo aqoon-kororsiga dheeraadka ah.

Svante Norgren oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ka howl-gasha cusbitalka ayaa qaba in cusbitaallada ku yaala magaalooyinka kale ee ka bax-san caasimadda uga sahlan tahay iney shaqaale helaan, marka loo barbar-dhigo iyaga:
- Xaaladda soo xodxodasho shaqaale ee dalka ayaan laga sineeyn. Isku-falisidda shaqaaleeynta kalkaaliyeyaasha caadimaad ayaa kala leh sawirro kala duwan, sida uu sheegay.

Suurtagal ma tahay haddaba in cusbital sidan u weyn laga fuliyo hoowlo wanaag-san iyada oo shaqaalaha bar in ka yar ey qaateen aqoon-kororsi dheeri ah?
- Haa, waa suurtagal. Hase yeeshee wey ka sii hagaag-sanaan lahayd haddii ey cusbitalka ka howl-geli lahaayeen howl-wadeenno ka badan ee leh xirfado takhasus gaar ah.

Isha/ Ekot

                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".