Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kooxda xulka koleyga hablaha Iswiidhen oo guuldaro ay raacday

La daabacay fredag 28 juni 2013 kl 10.51
Xulka qaranka faransiiska oo ciddi fara leh ku baxsaday
(0:56 min)
Sawirle: Scanpix. Montage: SR.

Kooxda hablaha qaranka kubbada koleyga ee dalkan Iswiidhen ayay xalay guul-darro ku raacday ciyaar ey isaga hor-yimaadeen dhiggooda ee dalka Faransiiska oo uu ka socdo tartnkii Yurub, halkaasina ay kooxda hablaha qaranka Iswiidhen ku lumiyeen rajadii ey ka lahaayeen iney u gudbaan is reereebka ugu dambeeya ee koobka Yurub.

Hablaha matalayey xulka qaranka kubadda koleyga Iswiidhen ayaa ciyaarta ku horeeyey iyada oo ey wax yari ka harsan tahay ciyaartii xalay, hase yeeshee lagaga adkaadey ciyaarta gebi ahaan 4 dhibcood oo keliya.

Kooxda qaranka faransiiska ayaa ku guuleeysatay 87-83 dhibcood.

Gabalb-nimada maanta saacaddu markay tahay 14:00, labada duhur-nimo ayey ciyaar ku kulmi doonaan kooxda qaranka Iswiidhen iyo Beela-raashiya, ciyaartaasina oo haddii ey ku guuleeystaan uu dalkan Iswiidhen markii ugu horeeysay taariikhda ka qeyb qaadan doono tartanka fiinaalka adduunka hablaha ee kubadda koleyga.

Ilaha/ Ekot, laanta ciyaaraha

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".