Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hab cusub oo loo wajahayo kaalmada la siiyo Soomaaliya

La daabacay fredag 28 juni 2013 kl 11.40
Taageerada dhaqaale ee Soomaaliya oo dalkani laba jibbaari doono
(0:42 min)
Wasiiradda Kaalmada Dibedda Gunilla Carlsson

 

Rajo weyn ayaa laga qabaa in Soomaaliya gaarto horumar kadib markii ay sanooyin badan ku soo jirtey dagaal-sukeeye. Haddana waxaa Soomaaliya u soo iftiimaya fursado cusub ay ku dhisto nabad waarta iyo dib-u-dhis wax ku ool ah.

Haddaba iyadoo dowladda Iswiidhen taas ambaqaadeysa ayey maanta go’aan ku gaartey in hab cusub loo wajaho kaalmada ay Iswiidhen siineyso Soomaaliya shanta sano ee soo socota. Habkaan cusub wuxuu wajahayaa sidii Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa dib-u-dhis waqti dheer socon doona iyo sidii diiradda loo saari lahaa hagaajinta arrimaha ay ka mid yihiin ammaanka ama adeegga bulshada, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, iyo caafimaadka iyo sinnaanta. Kaalmada hadda la siiyo ayaa la labajibbaaraya oo la gaarsiinayaa ilaa 300 malyan oo karoon sannadkii inta u dhexeeya 2013 iyo 2017.

- Hawlo ballaaran ayaa Soomaaliya horyaal, xaaladda ammaankuna weli waa dhutineysaa. Hase ahaate mar haddii nabad-dhisiddii bilaabatay, waxaa nagu waajib ah ka kaalmeyno sidii loo gaari lahaa xasillooni iyo dimoqraadiyad waarta. Sidaas awgeed ayaan culeyska u saareynnaa hawlaha lagu kaalmeynayo dhallinyarada iyo haweenka sidii shirkado ganacsi u furan lahaayeen, ayey tiri wasiiradda kaalmada dibedda Gunilla Carlsson.

- Hawlahaasna waxaa kaalin weyn ka qaadan kara soomaalida Iswiidhen ku nool, waayo soomaalida Iswiidhen ku nooli waxay leeyihiin aqoon qiimo badan. Hadafkayaga cusub ayeyna ka mid tahay in aan soomaalida qurba-joogta ah ka kaalmeynno fursadaha ay uga qaybqaadan karaa dib-u-dhiska Soomaaliya, ayey hadalkeedii ku soo gunaanadday wasiiraddu.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".