Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasakh-ka-ilaalinta badaha Iswiidhen oo la xoojinayo

La daabacay fredag 28 juni 2013 kl 13.07
Sawirle: AP/Scanpix.

Waxaa hadda kadib fududaan doonta in maraakiibta iyo doonyaha wasakhda ku daadiya biyaha Iswiidhen laga dalbo in ay wax ka qabtaan nadiifintooda iyo in ay bixiyaan magdhaw. Taasi waxay la socotaa go’aankii ay dowladda Iswiidhen ku gaartey in ay saxiixdo qaraar caalami ah oo loogu gogolxaarayo in mas’uuliyad la saaro ciddii wasakheysa biyaha badaha.

Sharci hadda jiraa wuxuu waajibka magdhawga saarayaa oo qura cidda markabka ama doonta iska leh, laakiin waxaa hadda la doonayaa in mas’uuliyadda la ballaariyo oo ay suurtagal noqoto in magdhaw laga dalbo cidda laga kireystey ama cidda uu xamuulku u saaran yahay.

Waxaana qaraarkaan kadib la rajeynayaa in maraakiibtu ay ka taxadaraan nadiifinta haamaha maraakiibta iyo siideynta wasakhda iyo qashinka.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".