Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Garoonka kubbada Tele2 oo miino la dhigay

La daabacay fredag 28 juni 2013 kl 16.30
Garoon la dhigay waxyaabaha qarxa
(0:50 min)
Sawirle: Bertil Enevåg Ericson/Scanpix

Munaasabaddii caawa garoonka cusub ee Tele 2 lagu qaban lahaa cayaar kubbada cagta ayaa baaqatay kadib hanjabaad loo geeystay in qarax halkaasi laga ridi doono.
Shalay duhur-nimadii ayay ciidanka ammaanka soo gaartay fartiin iyo in garoonka agtiisa ay taalo baakad lagu tuhmey iney ku jiraan waxyaabaha qarxa, iyadoo loo yeerey hoowl-wadeennada ku shaqada leh waxyaalaha qarxa, isla-markaana ey sheegeen inay ku jirtay baakadda wax qarxa.

Xawaaxiga garoonka ayaa la xirey illaa iminkana weli xiran, si ay ugu suurtagasho in ciidanka ammaanku goobtaa baaritaan ku sameeyaan iyaga oo la kaashaneya eeyaha bambooyinka.

Ciidanka ammaanka ayaa furay dacwad baaritaan ee falkaa la xiriirta, dabadeedna ugu magac-darey falkaa isku day dil. Sidoo kale howl-wadeennada ciidanka ammaanka ayaa ka gaabsadey iney xaqiijiyaan inay hanjabaad horay u soo gaartay iyo in kale.

Isha/ P4 Sthlm

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".