Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dacwad aan nooceeda horay u dhicin oo xukun laga gaarey

La daabacay fredag 28 juni 2013 kl 17.08
Dacwad lagu ridey laba nin
(0:34 min)
Sawirle: Christine Olsson/Scanpix

Maxkamadda degmada Solna ayaa maanta ku riday xukunno kala ah xabis dibadda lagu qaato oo kor kala socod ah wiil 18 jir ah iyo sidoo kale xabsi dibadda lagu qaato iyo bil xarig ah wiil isaguna 21 jir ah.

Labadan nin ayaa lagu soo oogey dacwed ah isku-day baad foolxun. Dacwadda xukunkan ayaa la xiriira af-duubyo loo geeystey qaxooti Eritariyaan ah oo lagu af-duubtay saxaaraha Siinaay ee dalka Masar, kuwaasina oo loo geeysto xad-gudubyo naxariis daro ah, iyo in qaraabadooda ku sugan caalamka daafahiisa oo baad laga dalbado.

Xeer-ilaaliyihii maxkamadda ayaa dacwaddiisa ku soo af-jaray inuu damac-sanaa in raggaasi inkastoo ey da'doodu hooseeysey, haddana lagu xukumo xabsiyo muddo ah.

                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".