Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xakameeynta adeegyada bulshada ee mulkida loo leeyahey

La daabacay fredag 28 juni 2013 kl 18.12
Isku si looma xakameeyn karo adeegyada bulshada ee mulkida loo leeyahay iyo kuwa bulshadu wadaagto
(1:09 min)

Johan Höök, ahna baare qaran ayaa soo jeediyay in la abuuro goolal siyaasadeed ee lagu xakameeyneyo goobaha adeegyada bulshada degmooyinka ee gacanta loo geliyo mulkiileyaasha iyada oo dhanka la ballaarineyo suurtagalka in bulshadu indhaha ku hayn karto, sida lagu soo daabacay bogga doodda ee war-geeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter (DN).

Halka uu dhanka kale baaruhu soo jeediyey in aan indha ku heynta bulshada la gaarsiin sida kuwa adeegyada bulshada ee maamullada degmooyinka, sida uu sheegay Johan Höök:
- Adeegyadaa waxey ku kala duwan yihiin maadaama shirkadaha mulkida loo leeyahey ey leeyihiin siro u gaar ah. Dhanka kale waxaa jira xeerka EU-da ee hoowlahaa xaddidaya iyo iney jiraan kuwo xadeeyneya shuruudaha la hor-dhigi karo kolka qandaraaska la wada geleyo. Sida tusaale ahaan in la yiraahdo in miisaaniyadda oo dhan dusha lagala socdo, ma qabo inay suurtagal tahay ee waa in shuruudo kale lagu saaraa sidii dul-meer loogu heyn lahaa, sida uu sheegay.

Maxaa ka mid ah shuruudahaa?
- Aqoonta shaqaalaha, tacliintooda, waayo-arag-nimadooda iyo wixii la mid ah.

                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".