Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhaqaalaha Iswiidhen ka hesho dalxiiska oo soo kordhay

La daabacay fredag 28 juni 2013 kl 20.29
Stockholm iyo Qasriga Boqortooyadaanda. Sawirle: Stockholm Information Service

Kororka dhaqaalaha laga helo dalxiirka ayaa ka saremaray kororka dhaqaale intiisa kale. Waxaana lagu muujiyey qoraal tifaftiran oo ay Hay’adda koboca dhaqaaluhu soo saarto sannadkii mar.

Sannadkii hore waxaa Iswiidhen ka soo galay dalxiiska lacag gaareysa 275 bilyan oo karoon – waxayna korodhay boqolkiiba shan marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyey ee 2011.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay sidaan ku sii socoto waxaa kolkaa isle’ekaanaya dhaqaalaha ay dadka dalxiisayaasha ahi Iswiidhen ku kharashgareeyaan iyo kan dadka iswiidhishku dalalka kale ku kharashgareeyaan.

Bilihii ugu dambeeyey sannadkii hore wuxuu dhaqaalaha ay dalxiisayaashu Iswiidhen ku kharashgaleeyaan markii ugu horreysey ka batay kan ay iswiidhishku dalka dibeddiisa ku kharashgareeyaan. Cabbirkii la sameeyey sannadkii 2012 waxaa lagu ogaaday in lacagta ay iswiidhishku dalka diebddiisa ku kharashgareeyaan ay boqolkiiba afar ka badnayd tan ay ku kharashgareeyaan dalka gudahiisa. Laakiin si daqso ah ayey wax waliba isu beddeleen. Haddii la barbardhigo 20 sano ka hor, waxay lacagta ay iswiidhishku dibedda ku kharashgareeyaan boqolkiiba 70 ka badnayd tan dalxiisayaashu Iswiidhen ku kharashgareeyaan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".