Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Toddobaadkii Almedal ee siyaasadda oo Gotland ka bilowday

La daabacay måndag 1 juli 2013 kl 09.46
Almedalen. Foto: Sveriges Radio

Waxaa maalintii axadda ka bilowday magaalada Visby ee jasiiradda Gotland oo loo yaqaan toddobaadka Almedal ama af-iswiidhishka Almedalsveckan. Toddobaadkas waxaa halkaa isugu yimaada siyaasiinta xisbiyada, wakiilo ka socda ururada iyo shirkadaha iyo saxaafadda. In kastoo hadda hal sano ka hartay xilligii doorashada ayaa haddana ka soo qaybgalka toddobaadka Almedal lagu wadaa in uu gaari doono heerkii ugu sarreeyey.

Hoggaamiyaha xisbiga dimoqraadiyadda masiixiga ah Göran Hägglund ayaa galabtii axadda khudbad ka jeediyey fagaarek u yaal magaalada Visby, halkaas oo kaga hadlay arrimo meelo badan taabanaya. Göran Hägglund wuxuu ballanqaaday in uu xisbigiisu ku dadaali doono hirgelinta heerka shanaad ee dhimista canshurta. Khudbooyinka iyo kulamada ayaa halkaa ka sii socon doona.

Maanta oo bisha Luulyo kowda tahayna waxaa halkaas siyaasaddiisa ku soo bandhigaya xisbiga Sverigedemokraterna oo uu hoggaamiyiisu maanta halkaas shir-jaraaid ku qabtay. Wuxuu shirkaas jaraaid ku soo qaaday habka uu xisbigiisu u doonayo in shaqooyin lagu abuuro. Mar la weyddiiyey halka ay ka imaneyso lacagta lagu maalgelinayo shaqa-abuuriddaasi, wuxuu ku jawaabey in ay xilliga deyrta soo socota ka hadli doonaan arrimaha la xiriira dhaqaalaha iyo maalgelinta.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".