Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Degmooyinka ladan oo qaxooti yar qaabbila

La daabacay måndag 1 juli 2013 kl 10.09
Sawirle: Malin Rimfors/Sveriges Radio

Daraasad uu sameeyey wargeyska Svenska Dagbladet waxaa lagu miijiyey in shanta degmo oo dalka ugu fakhrisan ay qaataan qaxooti shan jeer ka badan qaxootiga ay qaataan degmooyinka dhaqalahoodu wanaagsan yahay.

Waxaa halkaa lagu muujiyey in degmooyinka uu ka taliyo xisbiga Mooderaatku ay qaataan qaxooyiga ugu yar. Degmooyinka dhaqaalaha wanaagsan oo qaata qaxootiga ugu yar waxaa ka mid ah Vellinge oo ku taal bannaanka Malmö, iyo degmooyinka Lidingö och Danderyd oo ku yaal duleedka Stockholm. Dhammaan degmooyinkaasna waxaa ka taliya xisbiga Mooderaatka.

- Run ahaantii waa wax laga caroodo in ay degmooyinka hodanka ahi qaataan qaxooti ka yar qaxootiga ay qaataan degmooyinka kale. Waxaana muhiim ah in dhammaan laga qaybqaato hab la isku kaalmeeyo oo cid waliba mas’uuliyad qaado. Sidaasna waxaa wargeyska Svenska Dagbladet u sheegay wasiirka ishdexgalka Erik Ullenhag.

Wargeyska SvD wuxuu baaritaan ku sameeyey habka ay 290 degmo ee dalka ku yaal ay u qaabbilayeen shantii sano ee ugu dambeysey dadka qaxootiga ah ee dalka soo gala, iyo sida ay qaabbilaadda qaxootigu lug ugu lahayd hodanimada degmooyinka. Hodanimada degmooyinka lagu cabbiraa dakhliga dadka ku nool oo canshuurta bixiya.

Isha: Svenska Dagbladet

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".