Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ururka Femen oo qalalaaso ka abuuray masaajidka weyn ee Stockholm

La daabacay måndag 1 juli 2013 kl 11.52
Sawirle: Jonathan Nackstrand/Scanpix.

Saddex gabdhood oo naasaha soo qaawiyey ayaa axaddii gelinkii hore gudaha u galay masaajidka weyn ee ku yaal xaafadda Södermalm ee Stockholm. Saddexdaan gabdhood oo ka socdey ururka shabakadda ah ee lagu magacaabo Femen ayaa korkooda ku soo qoray halkudhegyo ay ka mid ahaayeen ”Shariicada kama dooneynno Masar iyo dunidaba”, ”Jirkeyga anigaa iska leh ee cid kale ma khuseeyo”. Gabdhahaan oo ka kala yimid dalalka Iswiidhen, Tuunisiya iyo Masar, ayuu bannaanbaxoodu ku wajahnaa saddexdaas waddan.

Isla markiiba ciidamada boliiska ayaa goobtii yimid oo qabqabtay gabdhahaan oo hadda lagu tuhunsan yahay in ay galeen dhaqan xadgudub iyo anshax-xumo leh.

Isha: SVT

Ururka Femen oo lagu sifeeyo urur xagjir ah oo u dooda xuquuqda dumarka ayaa sannadkii 2008 laga asaasay dalka Ukraaiina. Xubnaha ururkuna waxay sanooyinka dambe meelo badan ka sameeyeen bannaanbaxyo aad wax looga qoray. Dhowaan ayey hayd kolkii maxkamad ku taal Tuunisiya la hor keenay saddex qof oo ka socdey ururka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".