Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Lammaane maxkamdi ka sii deysey tuhun kaalmeyn isku-day dil

La daabacay måndag 1 juli 2013 kl 13.00

Maxkamad ayaa maanta oodda ka qaaddey lammaanihii ka soo jeedey dalka Usbakhistaan, haddase ku nool Iswiidhen, oo horay loogu soo eedeeyey in ay gacan ka geysteen isku-daygii sannadkii hore lagu dili lahaa imaam mucaarad ku ah dowladda Usbakhistaan.

Maxkamadda ayaa sannadkii hore go’aamisey in isku-daygaan dilku ahaa mid siyaasadi ka dambeyso, laakiin sii deysey lammaanhaan, maadaama aan maxkamadda la horkeenin caddeymo. Maxkamadda rafcaankuna ayaa iyaduna maanta ku raacday go’aankii maxkamadda degmada.

Waxay ahayd bishii Febraayo ee sannadkii hore markii ninkaan imaamka ah laga toogtey madaxa isagoo maraya jaranjarada loo galo gurigiisa ku yaalley bartamaha magaalada Strömsund. Ehelada imaamku waxay sheegeen in imaamka weli isbitaalka lagu daaweeyo oo ay adag tahay in uu xiriir sameeyo. Ninkii isku-dayga dilka geysteyna waa uu abxsaday dalka oo hadda waxaa laga raadinayaa dunida oo dhan.

Dhanka kale xeerilaaliyaha oo lagu magacaabo Krister Petersson wuxuu aamminsanaa in ay ahayd in lammaanahaan lagu xukumo kaalmayn isku-day dil ama qarin dembiile, laakiin maxkamadda rafcaanku ma aqbalin qoddobadaan lammaanaha lagu eedeeyey.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".