Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qof iswiidhish ah oo ku dhintay shil bas oo ka dhacay Turkiga

La daabacay måndag 1 juli 2013 kl 14.50
Sawirle: Scanpix. Qaabeyn: Sveriges Radio.

Will iswiidhish ah oo da’diisu ka yar 20 sano ayaa ku dhintay shil bas oo jimcihii ka dhacay magaalada Alanya oo ku taal Turkiga. Waxaa iyagana dhaawacyo ka soo gaareen tobaneeyo iswiidhish oo badankood weli isbitaalada lagu daaweeyo. Haweeney daanish ah ayaa iyaduna shilkaas ku qur weydey.

Dadkaas iswiidhishka ahi oo shilkaas ku jirey waxay ka soo noqdeen tamashle ay soo qabanqaabisay shirkadda dalxiiska ee Vingresor. Waxaa baskaas saarnaa 27 qof oo 13 ay iswiidhish ahaayeen.

Sarkaal ka tirsan boliiska Alanya wuxuu wargeyska aftonbladet.se u sheegay in dareewalkii baska la qabtay, laakiin boliisku waa uu ka gaabsaday in uu sheego waxa dareewalkaas lagu tuhunsan yahay.

Dhanka kale Barbro Holmberg oo shirkadda Vings u qaabbilsan saxaafadda ayaa TT u sheegtay in ay Turkiga caadi ka tahay in marka shil halis ahi dhaco la qabto dareewalka inta uu socdo wejiga hore baaritaanku.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".