Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka magangelya-doonka ah oo intii hore xoogaa ka soo kordhay

La daabacay måndag 1 juli 2013 kl 16.29
Qoys qaxooti Suuriyaan ah. Sawirle: Katja Magnusson/Sveriges Radio.

Ilaa hadda dadka magangelya-doonka ah oo Iswiidhen soo galay waxay soo kordheen boqolkiiba 15 marka la barbardhigo tiradii timid xilligaan xilligiisii ee sannadkii hore.

Dadkaas badankood waxay ka yimaadeen dalka Suuriya, in kastoo ay ka yaraayeen tiradii la filayey. Mikael Ribbenvik oo ah madaxa hawlgallada ee Hay’adda Socdaalku wuxuu in qaxootiga Suuriya ka yimaadaa intii la filayey ka yaraadeen u aaneynayaa in dalalka Turkiga iyo Giriiggu adkeeyeen ilaalinta xuduudahooda.

Intii lagu guda jirey sannadkii 2012 waxaa kordhay dadka suuriyaanka ah oo magangelyada ka codsanaya Iswiidhen. Taasna waxaa loo aaneynayaa in ay sabab u ahayd dagaallada Suuriya oo xoogeystey.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".