Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Boliiska oo hay’adda canshuuraha ka helay xogta dadka sharci-darrada ah

La daabacay tisdag 2 juli 2013 kl 11.44

Boliiska iswiidhishku wuxuu hay’adda canshuuraha ka helay macluumaad sir ah oo ku saabsan dadka sharci-darrada ah oo hay’adda canshuuraha ka codsaday in ay Iswiidhen canshuur ka bixiyaan. Sidaasna waxaa soo weriyey wargeyska Dagens Nyheter.

Sannadkii hore ayuu boliisku ka codsaday hay’adda canshuuraha in ay u soo gudbiso araajida ay laba iyo toban qof oo soo codsaday warqadda canshuur-bixinta iyo meelaha ay ka shaqeeyaan. Balse hay’adda canshuuruhu waa ay diiddey in ay macluumaadkaas gudbiso iyadoo sabab ka dhigeysa in ay macluumaadkaasi yihiin kuwo xasaasi ah oo aan loo gudbin karin cid aan shaqo ku lahayn.

Laakiin wargeyska DN wuxuu soo xigtey in boliisku uu helay macluumaadkaas in kastoo horay loogu diidey.

Boliiska xuduuduhuna wuxuu sheegay in aysan ahayn markii ugu horreysey ee boliisku uu araajida canshuur-bixinta u adeegsado baadigoobka dadka sharci-darrada ah.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".