Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kalsoonida xafiiska shaqada loo hayo oo hoos u dhacday

La daabacay tisdag 2 juli 2013 kl 13.34
Sawirle: Scanpix/Sveriges Radio. Qaabeyn: Sveriges Radio.

Xafiiska shaqada ayaa noqonaya hay’adda dowliga ah oo ay dadweynuhu u hayaan kalsoonida ugu hooseysa. Sidaasna waxaa lagu bandhigay baaritaan ay sameysey shirkadda tirakoobka ee SIFO oo maanta lagu soo qoray wargeyska Svenska Dagbladet.

Isla sannadkii hore ayuu xafiiska shaqadu heerka ugu hooseeya ka galay tusmada sumcadda oo ay soo saartay shirkadda SIFO. Sannaakaana hoos ayey uga sii dhacday heerkii kalsoonida loo qabay. Waxay hoos uga dhacday -21 oo ay gaartay -27, taas oo noqoneysa hoos u dhacii ugu weynaa oo ay hay’adi gaarto.

Dadweynaha iswiidhishku waxay kalsoonida ugu weyn u hayaan Hay’adda arrimaha macaamiisha oo cabbirka sumcaddeedu noqday +46.

Isha: SVD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".