Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Qaabilaada degmooyinka

SKL: Ha la hagaajiyo qaabka degmooyinka u qaabilaan qaxootiga

La daabacay tisdag 2 juli 2013 kl 16.15
Warbixinta oo maqal ah
(6:44 min)
Madaxda ururka maamulada degmooyinka iyo gobolada dalka

Waxaa lagu waramayaa in qaadashada maamulada degmooyinka ee qaxootiga aysan si wanaagsan ugu shaqeyn Iswiidhan. Ururka ay ku mideysan yihiin maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa shalay ka soo jeediyay degmada Visby ee uu ka socda toddobaadka loogu magac daray Allmedalsveckan in dowlada ay lacag dheeri ah ku bixisyo qaabilada dadka hela sharciga deganaanshaha dalka ee degaya degmooyinka dalka iyo sidoo kale in la yareeyo fursadaha qofka qaxootiga ah uu ku dooranayo halka uu degaya.

Mid ka mid ah degmooyinka sida aadka ah qaxootiga iskooda u doorteen in ay degaan ayaa waxaa ka mid ah degmada , Södertälje. Staffan Norberg oo ah mas’uulka ugu sareeya maamulka degmadaasi ayaa sheegay in dowlada ay ka meer-meereyso mas’uuliyada ka saaran arrinka deegaameynta dadka hela sharciga magan gelyo doonka.

(-Dowlada wax xooggaa  casilaad ayay ku sammeeysay arrintan oo si waangsan uma eegto. Shan ilaa iyo lix degmo ayaa ka soo baxay siyaasada qaabilaada iyo dejinta dadka qaxootiga ah, ayuu yiri madaxa degmada Södertälje oo ka hadlay siminaar looga hadlaayay arrinkan.

Degmada Södertälje ayaa ah degmo tobankii sano ee aynu soo dhaafnay si siyaadaha u qaabishay ama ay u degeen qaxootiga deegaan doonka ee Iswiidhan ka helay sharciga deganaanshaha. Inta u dhaxeysay sanadihii 2003 ilaa 2012, waxaa degmada Södertälje deegaan ahaan u aaday ama u doortay ilaa iyo sagaal kun oo ruux oo isugu jira qaxooti Ciraaqiyyin iyo Suuriyaan ah, iyada oo Södertälje ay tahay degmo ay ku nool yihiin dad gaaraya 65.000. Ku jebida tirada sidaa u badan ee qaxootiga ah ee degay Södertälje ayaa waxay abuurtay xaalad adag oo aan la difaaci karin dhibteeda, ayuu yiri Staffan Norberg mas’uulka maamulka degmada isaga oo si gaar ah u far muuqay in ay jiraan tiro badan oo ah qaxootiga oo iska xaadiraya Södertälje xitaa inta aysan helin sharcigooda deganaanshaha oo uula jeeda waxa la yiraahdo addrees-ka.

Tan iyo sanadkii 1994, qofka magan gelyo doonka ah waxuu xaq u leeyahay in uu isaga doorto halka uu doonayo in uu ku noolaado. Fursada sidan waxaa ka faa’ideysata 40% dadka magan gelyo doonka ah laakiin inta badan dadka magan gelyo doonka ayaa aada oo deegaan ka doonto degmooyinka ay ku badan yihiin dadka isu dalka yihiin sidaasi daraadeed ayuu u arkaa ururka mideeya maamulada degmooyinka ee SKL in ay haboontahay in la geejiyo oo la adkeeyo sharciga uu qofka ku dooranayo halka uu doonayo in uu ku  noolaado, waa sida uu leeyahay madaxa SKL Anders Knape:

(- Dadka waxay ku nool yihiin xaalad aan la aqbali karin. Waxaa jira dal daloolo. Ma dooneyno in guud ahaan la baabi’iyo sharciga uu qofka si madax banaan ugu doorayo halka uu doonayo in uu ku noolaado laakiin waxaa wanaagsan in la eego wax yaabo badan sida qofka kama heystaa qandaraasi guri meesha uu doonayo in uu dego, ama xiriir adag oo uu la leeyahay dadka uu ku degayo. Waa in sidaasi la sammeeyaa in degaanka qofka uu noqodo mid shaqeeya oo caqli gal ah, ayuu yiri madaxa SKL.

Laakiin madaxa maamulka degamada Södertälje Staffan Norberg oo ka tirsan xisbiga bidixda ayaa isagu qaba in aysan shaqeyneynin kontoroolida sidaasi ah balse ay jiraan sida cad qeybo wadanka ka mid ah ama degmooyin guud ahaanba ay tahay in laga daayo doorashada ay ku soo sammeeynayaan dadka qaxootiga ah si ay u degaan waayo buu leeyahay xaalada waa mid deg deg ah. Iswiidhan dal ahaan waa in uu muujiyaa midnimo marka laga hadlaayo qaadashada deegaan ahaan ee qaxootiga ama dadka hela sharciga magan gelyada.

Haddii xaajadu sidaasi noqoto, waxaan suuragal u noqon doonin qof qaxooti ah in uu doorto oo uu deegaan ka raadsado xaafadaha Ronna iyo Hovsjö oo ka tirsan degamada Södertälje, waa labo xaafadood oo ay si xad dhaaf ah u deganyihiin ajanabiga.

Si wadajir ah, hindisayaal gaaraya 35 oo ah in si wanaagsan loo qaabilo qaxootiga ayuu soo bandhigay ururka SKL. Intooda badan hindisayaasha ayaa ku qotoma in dowlada ay kordhiso lacagta ay siiso degmooyinka si qofka qaxootiga ah loogu fududeeyo la qabsashada dalka.

Qaabiladaada qaxootiga waa mas’uuliyad dowlada saaran. Andera Knape, Madaxa ururka mideeya maamulada gobolada iyo degmooyinka ayaa sheegay in uu jiro heshiis u dhaxeeya dowlada iyo degmooyinka kaasi oo ah dowlada y bixisyo dhammaan qarashka ku baxaya dejinta qaxootiga hase yeeshee ururka SKL ayaa dalbanaya in lacagta dowlada ay bixineyso in ay noqoto mid si buuxda u dabooli karta baahida isaga oo sheegaya in deeqda hadda dowlada ay bixiso uu yahay mid aad u hooseeysa isaga oo sheegay in lacagta hadda dowlada ay siiso degmooyinka si qofka loogu dejiyo, in kooxo badan u arkaan in ay ku filan tahay saddex sano iyo bar ama in intaasi ka badan laakiin Anders ayaa sheegaya in dowlada qudheeda ay sammeysay qiimeyn muujineysa in ay qaadan karto muddo toddobo sano ah in qofka cusub uu galo suuqa shaqada taasi oo haddaba micanhhedu uu yahay in qarashka hadda la bixiyo uu yahay mid yar.

Inta uu socday kulanka arrinta wanaajinta sida loo qaabilo qaxootiga ee  Almedalen, ayaa waxaa cabso ka soo jeediyay kulanka guddoomiye ku xigeynka ururka maamulada gobolada iyo degmooyinka ILLmar Repaluu oo ahaa duqii hore ee magaaladda Malmö isaga oo ku andacooday in xukuumada aysan maqleeyn qeylo dhaanta kaalmo doonka ah ee ka imaaneya degmooyinka culeyska saaran yahay  hase yeeshee kulanka dooda ma aysan joogin cid wakiil ka aheyd dowlada.

Balse, madaxa SKL Anders Knape ayaa taxadir dheeri ah ka muujiyay dhalleeceyntiisa, isaga oo rajo ka muujinaya in miisaaniyada deyrta ay heli doonaan degmooyinka lacag dheeri ah, isaga oo sheegay in ugu yaraan mid wax ka tari doonto ififaalooyinka ajanabi naceybka ee ka jira degmooyinka qaar.  Anders Knape ayaa sheegaya in degmooyinka qaar, laga dareemayo in culeys xooga badan uu saranyahay lacagaha kaalmada nolosha ee Soomaalida u taqaan ceyrta—taasi oo u noqon karto marmarsiiyo uu ku doodi karo in arrinta aysan wanaagsaneen hadii qofka uu yahay shaqsi aan jecleyn soogalootiga, lakkin madaxa SKL ayaa sheegaya in aan la hareera marin muhiimada taasi oo ah in loo baahanyahay in loo istaago dadka u baahan kaalmo iyada oo dhanka kalana loo baaahanay mustaqbalka in dadka wax qabsadaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".