Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Dad badan ayaa qaba in siyaasadaha xisbiyadu ay aad isugu dhow yihiin

La daabacay onsdag 3 juli 2013 kl 10.31
Farqiga siyaasadaha xisbiyada oo aan sidaas u weyneyn.
(0:49 min)
Sawirle: Björn Larsson Rosvall/Scanpix.

Waxaa soo badanaya dadka wax doorta oo qaba in farqiga ay siyaasadda xisbiyadu ku kala duwan yihiin uu aad u yar yahay. Sidaasna caalin arrimaha siyaasadda oo lagu magacaabo Magnus Hagevi ayaa maalinta jimcaha ku soo bandhigi doona daraasad. Bandhigga daraasaddasna wuxuu ku qaban doono fagaaraha Almedalen.

Magnus Hagevi wuxuu su’aalo weyddiiyey dad gaaraya 1500 oo qof. In ka badan boqolkiiba konton dadkaasi waxay ku jawaabeen in ay u arkaan in farqiga siyaasadda xisbiyadu aad u yar yahay. Waxaa intaas dheer in boqolkiiba 67 ay qabaan in ay wanaagsanaan lahayd haddii siyaasadahoodu ahaan lahaayeen kuwo aad u kala duwan.

Caalinkaan Magnus Hagevi wuxuu qabaa in ay taasi keeni karto in ay dad badan ku adkaato in ay codeeyaan, taasina ay markaas keento in tirada dadka codeynayaa ay hoos u dhacdo iyo in dad badani aadaan xisbiyada sida cad u muujiya siyaasadahooda:

- Waxaa dhici karta in xisbiyada lagu yaqaan ajnebi-nacaybka sida xisbiga Sverigedemokraterna ay taageero ballaaran ka helaan dadka codeeya maadaama ay dadku u arkaan in aysan xisbiyada kale wax weyn ku kala geddisneyn.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".